Maamulka Hir-Shabeelle oo War ka soo saaray dagaalkii duleedka Balcad

by admin | Tuesday, May 7, 2019 | 737 views

Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Yaaqle oo duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al:-Shabaab,waxaana dagaalkaas ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Yaaqle oo uu sheegay inay ogaadeen inay isku aruur sanayeen rag ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana ay doonayeen inay Ciidamada soo weeraraan.

Waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay uu hal askari kaga dhintay ilaa 3 kalena ay ku dhaawacmeen ,sidoo kalena Al-Shabaab ay gaarsiiyeen khasaaro xoogan,isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu soo hadal qaaday sidoo kale in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysteen inay isku furaan wadada u dhaxeysa Balcad iyto Jowhar oo ay ka go’een inay maraan Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle, kadib markii ay Al-Shabaab dhowr jeer weeraro ka fuliyeen.

Wararka saakay laga helayo deegaanka Yaaqle oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Xawaadley ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin deegaanada Qalimow iyo ceelka Geelow.

Like it? Share it!

Leave A Response