Sheekh Shariif oo Caawa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare

by admin | Monday, Apr 29, 2019 | 1113 views

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Caawa Muqdisho kulan kula qaatey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen Xubno ka mid ah Xisbigiisa ayaa guddoomiyaha Aqalka sare waxaa ay iska xog-wareysteen xaalada dalka iyo wadashaqeyn dhexmarta Xisbiga iyo Xubnaha Aqalka Sare.

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tan iyo markii uu dalka kusoo laabtey waxaa uu kulamo la yeelanayey Madax ka tirsan Dowladda iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response