CC Shakuur: 3 qodob oo xal looga gaari jiray muranada doorashada ayaa maqan {AKHRISO}

by admin | Thursday, Mar 25, 2021 | 333 views

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay iney jirtay saddex arrimood oo xal looga gaari jiray murada hareeya doorashooyinka Soomaaliya, balse ay dowladdaan hareer martay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo dadka ku hareereysan ay gabeen saddexdii xal ee lagu xalin jiray muranada arrimaha doorashada.
Waxa uu sheegay arrinta koowaad iney tahay awoodda ra’iisul wasaaraha, taasoo meesha hadda ka maqan, halka midda labaadna uu ku sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uusan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo inuu soo bixi karo, taasna ay ku dhalisay cabsi hor leh.
“Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana
xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhago, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah Farmaajo kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana in loo gooyo ayuu rabaa.”
“Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa. Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.”
Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay mid aan laa sugeyn inuu isdaba qabto, ra’iisul wasaaruhuna kaaintiisa aan laga sugeyn, sidaas darteed ay dhici karto faragalin shisheeye oo toos ah.
“Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga gacanta qabta, qarankana u hiilaya waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.”

Like it? Share it!

Leave A Response