Ciidamada Dowladda & AS oo ku dagaalamay Koofurta Gobolka Mudug.

by admin | Saturday, Feb 3, 2024 | 55 views

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda ayaa dagaal culus la galay dagaalamayaal katirsan ‘AS’ oo weeraray Deegaanka Shabeellow ee Koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in weerar qaraxyo ku billowday in ay ‘AS’ ku qaadeen ciidamadaan iskaashanaya oo kasii feejignaa weerarkaan ka dhacay Deegaanka Shabeellow ee Koofurta Gobolka Mudug.

Lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Deegaanka Shabeellow balse ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala tirsan kuwa Dowladda Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka ayaa gaaray deegaanka dagaalka culus ka dhacay ee Shabeellow, saraakiil katirsan Dowladdu waxa ay tilmaameen in guullo muhiim ah ay ka gaareen dagaalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response