Ciidamada dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Monday, May 3, 2021 | 317 views

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qyebta 60aad ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in mararka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen degaannada kala ah,Toos-wiine, Eel Dhuun, Adeegow iyo wadada Aada Degmada Waajid Ee Gobalka Bokool iyo Degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabtay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay falal amni darro ka wadeen wadada Aada Degmada Waajid Ee Gobalka Bokool.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay holwgallada siiwadi donan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada howlgalka laga fuliyay, lagana saarayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya.

Howlgalkan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 6aad ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Bar-kontorool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response