Dagaal beeleed sababay dhimasho oo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

by admin | Thursday, Apr 18, 2024 | 22 views

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay colaad ka dhex abuurayaan labada beelood ee wada dega deegaankaasi, iyaga oo doonaya in ay qalalaase ka dhex abuuraan beelaha si nabad ah kuwada nool.

Dagaal beeleedyadii u dambeeyay ayaa ka dhacayay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmooyinka Jalalaqsi, Moqokori, Mahadaay iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
ma jirto ilaa iyo hada wax ka hadlay madaxda maamulka hirshabeele dagaalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response