Darawalkii Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu isku dhiibay Al Shabaab.

by admin | Wednesday, Mar 27, 2024 | 34 views

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u goostay kooxda Al Shabaab iskuna dhiibay, kaddib markii uu ka baxay magaalada Muqdisho uu ku sugnaa.

Darawalka Madaxweynhe Farmaajo oo lagu magacaabo Sahal Maxamed Xirsi ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii waday gaarigi Farmaajo lagu geeyay garoonka Aadan Cadde markii uu u dhoofayay maalmo kahor magaalada Garawe.

Warar ayaa sidoo kale sheegaya in ninkan kahor inta uusan Muqdisho ka bixin horey u sii iibsaday gaari uu lahaa Farmaajo, waxa uuna horey u qaatay lacag kumanaan dollar vah uu kala baxay gaarigii Farmaajo uu darawalka ka ahaa.

Ninkan Al Shabaab u goostay ayaana markii uu ka baxay magaalada Muqdisho ka degay garoonka diyaaradaha KIsmaayo, waxa uuna halkaasi uga sii gudbay deegaanno katirsan Jubbooyinka oo Al Shabaab kataliyaan iskana dhiibay.

Kooxda Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda kama aysan hadlin warkan ku aadan baxsashada darawalkii Madaxweynaha , waxa uuna warkan noqday mid si weyn usoo shaac baxay saacadihii lasoo dhaafay ayna faafiyeen xubno horey Farmaajo ugu dhawaa.

Laamaha ammaanka gaar ahaan hay’adda NISA ayaa dhankeeda baareysa warkan sheegaya in Al Shabaab u goostay darawalkii Farmaajo, waxa ayna arrintan xoojisay shakiga laga qabo in dowladdii Farmaajo ku milneed Al Shabaab.

Horey kooxda Al Shabaab waxaa ugu goostay isuguna dhiibay darawalkii hore ee guddoomiyihii Baarlamaanka dowladdii Farmaajo Maxamed Mursan , kaa oo baxsaday kaddib weerarkii ka dhacay hotelka Villa Rose ee ku dhawaa Madaxtooyada.

Baxsashada darawalka Farmaajo ayaa iyana kusoo aadeysa xilli agagaarka Madaxtooyada dhawaan uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo lagu qaaday hotelka SYL , weerarkaasi ayaana la tuhmayaa in Al Shabaab loo fududeeyay.

Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaana si weyn loogu dhaliilayay in xilligeeda uu jiray isku dhax milan Shabaab iyo dowladda dhaxdeeda ah, waxa ayna taasi caddaaday markii dowladdii Farmaajo dhacday in xubno katirsanaa Al Shabaab u baxsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response