DF oo ku dhawaaqday qorshe wax looga qabanayo xaalad ka taagan Muqdisho

by admin | Saturday, Apr 29, 2023 | 111 views

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee shalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo daadad xoogan watay.

Saalax oo u wehliyay duqa Muqdisho ayaa booqday xaafadda Ceelqalow iyo Warta Nabadda oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka, halkaas oo ay ka jirto xaalad adag.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in roobabka ay khasaare xoogleh geysteen, isla-markaana dhibaatada ugu daran ay wajahayaan qoysaska danyarta ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan wado qorshe wax looga qabayo biyaha roobka, isla-markaana la sameyn doono biyo xereen.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahaas ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan wasaaradda howlgaha guud iyo maamulka gobolka Banaadir oo is wada kaashanaya.

“Wasaaradda howlaha guud iyo gobolka Banaadir barnaamijyo wadajir ah oo ay kaga wada shaqeynayaan sidii xal waara loogu helo arrintaan ayay ku howlan yihiin, kaasi waxaa xalka durugsan xilligeeda iyo waayaheeda ayaan ka warrameynaa,” ayuu yiri Saalax Axmed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka qorshahaasi fulintiisa ay u raadin doonto lacagaha loo baayahan yahay oo uu ku sheegay malaayiin dollar, walow uusan shaacin tirada rasmiga,

“Dowladdu waxa ay u raadineysaa malaayinka dollar ee loo baahan yahay in arrintaa wax looga qabto inay gobolka ka kabto oo ay oo wax kala qabato,” ayuu sii raaciyay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalada ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana xirmay waddooyinka qaar, kadib markii ay biyuhu fariisteen.

Like it? Share it!

Leave A Response