Dhaqtar Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Apr 22, 2021 | 322 views

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii maanta waxaa ay Xaafada Albaraka ee degmada Hodan ku dileen Dr Xasan Cismaan Ciise Dr Buurane, oo ahaa dhakhtar ku takhasusay cudurarada Maqaarka, iyaga oo dilka kadob goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in xilliga la dilayay Dhaqtarka uu ku sugna Banaanka Gurigiisa, isla markaana rag ku hubeysnaa Bustoolado ay dhowr xabo kaga dhufteen qeybta Sare ee jirskiisa halkaasna uu ku geeriyooday.

Qaar kamid ah ehellada Dhaqtarka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Alle ha u Naxariistee Dr Xasan Cismaan Ciise Dr Buurane, iyada oo sidoo kale Ciidamada ay sameeyeen howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa dilka Dhaqtarka iyo cidda dishay, iyada oo laamaha amaanka dowladda Soomaaliya aysan weli wax faah faahin ah ka bixin dilka loo geystay dhaqtarka Caanka ku ahaa Cudurada Maqaarka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysan, waxaana dilkaan uu kusoo aadayaa xilli xalay Xaafada Siliga Ameerikanka ee degmada Wadajir lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha degaanka degmada Warsheekh oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxman Kamaal Sheekh

Like it? Share it!

Leave A Response