Faafaahin: Duqeyn Ka dhacday Qeybo ka Mid ah Gobolka Hiiraan.

by admin | Tuesday, May 8, 2018 | 1043 views

Sida ay ku waramayaan Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan gaar ahaan deegaan lagu magacaabo dil dilaay  oo 87km dhanka koonfur kaga beegan magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan ayaa saakay aroortii hore ay diyaaradaha dagaalka ay  duqeeyeen xarun ay shabaabku ku lahaayeen deegaanka dil dilaay  taasoo la aaminsanyahay in masuuliyiin sar sare oo shabaabka ka tirsan ay ku sugnaayeen goobta ay duqeyntu ka dhacday.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta saakay lala beegsaday Xaruntani ay ku sugnaayeen Hogaamiyaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin Alshabab, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay duqeynta waxaana jugta laga maqlayay deegaano aad uga fog goobta ay wax ka dhaceen. warar ay heshay  shabadad Reegaay.com ayaa sheegaya in ay duqeyntas ka dhacday deegaan u dhaw ceelcali  oo ay  hada maamulaan alshabaab.
Waxaana adag in la helo xaqiiqda ka jirta halkaasi maadaama deegaanku yahay dhul miyi ah oo ay gacan ku heynta deegankaasi ay maamulaan Ururka AL-shabaab.
Laamaha amniga dowlada soomaaliya iyo kuwa ka taageera dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee AMISOM iyo taliska mareykanka Ee Qaarada Afrika looguna Yeero africom wali war kama soo saarin duqeeynta saaka ka dhacday deegaanka dil,dilaay oo ka tirsan gobolka hiiraan.

maamulka  gobolka hiiraan oo aan wax kaweydinay ayaa ka gaabsaday  in ay ka hadlaan.

lasoco wixii soo kordha.

Like it? Share it!

Leave A Response