Sucuudiga oo xayiraadda ka qaadaya Xoolaha Somaliya

by admin | Tuesday, May 8, 2018 | 1172 views

Dowladda Sucuudiga ayaa lagu wada ain ay xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya ay qaaddo iyada oo muddo dhowr sano ah aan Xoolaha Soomaaliya loo dhoofin Sucuudiga.
Ilo ku sugan Dalka Sucuudiga kana mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku nool Dalka Sucuudiga ayaa sheegay  1da Bisha Ramadaan ay Dowladda Sucuudiga go’aansatay in ay xayiraadda ka qaaddo Xoolaha Soomaaliya.
Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Sucuudiga ayaa sheegtay in baaritaan dheer ay ku sameysay waxyaabaha sababay markii horeba joojinta dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyada oo markii hore la sheegay in Cudurro laga helay.

Inta badan Xoolaha Soomaaliya waxaa laga dhoofiyaa Dekadaha Berbera,Boosaaso,Muqdisho iyo Magaalooyin kale waxaase ay hakad ku jireen muddo dhowr Sano ah.
Mid ka mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku sugan Sucuudiga ayaa u sheegay Warbaahinta in inta Xoolaha Soomaalida ay xayiraadda saarneyd uu Sucuudiga ka dhoofsan jiray Dalka Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response