faafaahin: Qaraxyo lala beegsadey Kaamirooyinka lagu xirey Wadooyinka Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 19, 2020 | 478 views

Magaalada muqdisho waxaa siweyn looga maqlay qaraxyo,kuwaas oo la sheegay in lagu burburiyey qaar kamid ah kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga ee Soomalaiya ku xireen wadada Maka-Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Mar qura ayaa dadka Muqdisho xilligii Salaada subax waxaa ay maqleen jug culus taas oo la sheegay in ilaa iyo Shan qarax lagu burburiyey kaamirooyinka ku xiran laga bilaabo Isgoyska dabka iyo kuwa ku dhow dhow.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas la sheegay inay ridayeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee u sugan qeybo kamid ah wadada Makala Al-Mukarama,waxaana weli la shaacin khasaaro kasoo gaarey qaraxyadaas iyo rasaasta dad Shacab ah.

Dad saaka tegay Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ay sheegeen in Waaberigii hore ee saaka Goobaha lagu qarxiyey Baalooyinka Kaamirooyinka ee Wadada Maka Al-Mukarama la soo dhoobey Ciidamo farabadan kuwaas oo muddo xirey isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe dib loo furey.

Waa markii labaad oo Kaamirooyinka Hay’adaha Amniga ay ku xireen wadada Maka-Almukarama qarax lala beegsado,waxaana aya aheyd 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan makii la qarxiyey,iyada oo laamaha Amniga Soomaaliya aysan ka hadlin qaraxyada lagu burburiyey kaamirooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response