Firdhiye: Dadkii reer Koonur Galbeed ee laga saaray Laascaanood waxaan rabnaa in ay dib usoo laabtaan

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 93 views

Hoggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu geystay magaalada Laascaanood.

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, oo ka qeyb galayay barnaamij dood ah oo su’aallo lagu weydiinayay, oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dadka reer KGS ay ka raali galinayaan sidii qasabka ahayd ee guryahoodii looga saaray.

“Maamulkaas (Somaliland) wuxuu dadkan usoo saaray dilalka qorshaysan iyagaa ka dambeeya. Markii uu saaray oo uu musaafuriyay, dilalkii qorshaysnaa way sii labo jibbaarmeen. Talo xumaa lagu saaray aanan waxba ku lahayn, dhibkii soo gaarayna waan ka xunnahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC.

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Firdhiye wuxuu sheegay inay doonayaan in dadkaasi ay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood, oo ay dib nolashooda uga bilaabaan magaalada Laascaanood.

Like it? Share it!

Leave A Response