Guddoomiye Cusmaan Barre oo ka horymid xilka qaadis la sameeyey

by admin | Wednesday, Apr 1, 2020 | 467 views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa la sheegay in uu kasoo horjeestey xilka qadis uu dhawaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku sameeyey guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale.

War kasoo baxey Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Waare uusan xiligaan awood u laheyn in sameeyo xilka qaadis iyo Magacaabis sababo la xiriiro in uu dhamaadey muddo xileekiisa.

“Waare xilligaan ma sameyn karo xilka qaadis iyo Magacaabis waayo waxaa dhamaadey muddo xileedkiisa,sida uu qabo Dastuurka Hir-Shabeelle marka la gaaro Lixad bilood ee ugu dambeyso ma jirto cid la magacaabi karo ama laga qaadi karo sidaas dartee dastuurka ma waafaqasano wareegtadii xilka looga qaaday gudoomiyihii gobolka Hiiraan ayaa lagu yiri” Warka guddoomiyaha.

Warka ka soo baxay guddoomiyaha Baaralmaanka Hir-Shabelle ayaa imaanayo xilli uu ka kasoo horjeestay xilka ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caarale

Like it? Share it!

Leave A Response