Hogaanka axsaabta siyaasada Somaliland oo si wadajir ah shacabka fariin ugu diray

by admin | Sunday, May 30, 2021 | 276 views

Hogaanka axsaabta siyaasada Somaliland Kulmiye, UCID iyo Waddani, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa shacabka ku booriyay in ay si nabad ah ku codeeyaan maalinta barri ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan in dadka reer Somaliland yihiin bulsho isku duuban oo u jeedo wada leh.

“Waxan doonayaa in aynu muujino in aynu nahay hal dal oo kaliya, hal umad oo kaliya iyo hal qaran” ayuu yidhi.

“Dadka inoo sharaxan waa dadkeeni, meelna way iskugu wada imanayaan, 3 meelodow 2 meelood aya wayaya doorashada, musharax kasta waa in uu taa qalbiga ku hayaa, ceebna maaha in aad waydid”.

“Anigu saddex jeer baan wayay hadana waa anigan soo taagan uun ceeb ma jirto, marka waa in xumada qabiilka layska dajiyaa kii Alle qoray baa soo baxaya” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaarad ka ah ee Waddani ayaa isna bulshada ka codsaday in ay si nabad ah ku codeeyaan iyadoo qofkastaba qof kuu doono uu u codaynayo.

“Fariintaydu waxa weeyi marka hore in aynu nabad galyada ilaalino, marka labaadna si nabad galyo ah ku codayno, oo muwaadin kastaana cida uu doonayo u codeeyo” ayuu yidhi.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga talad haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna diray fariin lamida ta madaxda axsaabta mucaaradka.

“Waa in aynu muujinaa in aynu nahay dad isku waddan ah oo is jecel, oo ay inaga muuqato in aynu nahay dad bisil oo doorashooyin badan soo galay” ayuu yidhi.

“Dad fara badan ayaa maanta inoo yimid dadka inoo yimid Somaliland bay qiimaynayaan, Waddani qiimayn mayaan, UCID qiimayn mayaan, Kulmiye qiimayn mayaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Baaqan ay sida wadajir ka ah saddexda xisbi usoo sareen ayaa u jeedkiisu yahay, sidii doorashadu si nabad galyo ah ugu qabsoomi lahayd isla markaan, loo gaadhi laha u jeedka guud ee laga leeyahay doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response