Itoobiya oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay dagaal beeleed

by admin | Tuesday, Sep 29, 2020 | 352 views

Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 45 xubnood oo ka tirsan xisbiga PP oo haya talada dalkaasi Itoobiya, kaddib markii lagu soo eedeeyey iney ku lug lahaayeen dagaallo beeleed dhawaan ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz.

Xisbiga PP wuxuu sheegay 10 ka mid ah xubnahaasi in maxkamad la soo taagay maaddaamaa ay ku guul darreysteen iney ka hortagaan dagaallada qowmiyadaha ku saleysan ee ay dadka ku dhinteen.

Waxaa sida oo kale xilka laga qaaday taliyihii ciidamada gaarka ahaa Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi Nega Jara .

Dagaalladaasi oo ka dhacay deegaanka Matakal ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 100 qof halka ay kumannaan kalana ku barakaceen.

Dagaalka qowmiyadaha dhexmaray oo labo toddobaad socday ayaa lagu beegsanayey qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz.

Like it? Share it!

Leave A Response