Jawaari oo qirtay inuu ka wel welsan yahay Jiriraanka Golaha Shacabka & Fariin uu shacabka u diray

by admin | Thursday, Apr 5, 2018 | 1034 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa si cad maanta u sheegay inuu ka wel welsan yahay jiritaanka Golaha Shacabka,isagoona tilmaamay in weerar cad lagu soo qaaday.
Guddoomiye Jawaari oo jahwareer siyaasadeed ku furan yahay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay faraha kula jirto shaqada Golaha Shacabka,islamarkaana Taliyeyaasha Ciidamada la siiyay amaro qaldan,balse iyagu ay fiican yihiin qibrad ciidana ay leeyihiin.
Sidoo kale,Guddoomiye Jawaari ayaa nasiib daro ku tilmaamay in kumanaan Ciidamo ah lagu soo weeraro Golaha Shacabka,islamarkaana la waayo Ciidamadaasi marka cadow lala dirirayo.
Shacabka Soomaaliyeed Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney isdejiyaan,islamarkaana waxba u arkin wararka been abuurka ah ee Baraha Bulshada wareegaya una soo duceeyaan Qarankooda.

Like it? Share it!

Leave A Response