Khasaraaha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ee magaalada Baledweyne oo sii kordhay

by admin | Sunday, Sep 24, 2023 | 81 views

Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geystay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay duhurkii ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ruuxii waday gaariga uu is qarxiyay markii lagu celiyay barkoontarol oo ku taala agagaarka Buundada Nuur xawaad ee magaalada Baledweyne.

Inta la xaqiijiyay dhimashada qaraxaasi ayaa gaartay 15 ruux oo isugu jira shacab iyo askar, iyadoo dhaawacuna uu kor u dhaafay 50 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Qaar ka mid ah dadka uu soo gaaray dhaawacyada culus ayaa diyaarad gaar ah oo dowladda Fedaraalka u dirtay Baledweyne lagu geeyay magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhawaacyada halista ah qaba u badan Caruur, haween, iyo dadka waayeelo ah.

Qaraxa Shalay ka dhacay Baledweyne waxuu sidoo kale si weyn u burburiyay dhismayaal gacansi iyo guryo farabadan oo ku yaala xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako ee magaalada Baledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response