Maamul Cusub oo loo Magacaabay Magaalada Baydhabo

by admin | Monday, Feb 28, 2022 | 385 views

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isaga oo Maamul Cusub Magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu yiri” Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen loo Magacaabo Magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Baay uu sameeyay Magacaabistaan oo ah.

1: Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay.

2: Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ayaa waxaa loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.

3: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

Xilka qaadista lagu sameeyay Maamulkii Magaalada Baydhabo iyo Magacaabista Maamulka Cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli Magaalada Baydhabo ay ka socoto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response