Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo Amaro soo saaray

by admin | Sunday, Aug 23, 2020 | 390 views

Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen Amaro ku socda Shacabka magaalada kaas oo la xiriira dhanka Amniga.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada ee Magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa sheegay in lagu amrayo dadka ku nool Magaalada in qof walba Gurigiisa hortiisa uu ku dhejiyo leyr ama Nal.

“Waxaan amreynaa guri walba oo magaalada ku yaala in lagu xiro laambad (leyr) inta ka dhiman bishan, cidii amarkeena fulin weysa waxay la kulmi doontaa ganaax iyo xabsi ayuu yiri” Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu wanaagsan degaannada Galmudug, waxaana bilihii la soo dhaafay ay marti gelisay shirar dhowr ah oo laga soo saaray go’aano kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response