Madaxweyne Xasan Sheekh oo Odayaasha Dhaqanka SSC kala hadlay Colaada Laas-Caanood

by admin | Monday, May 29, 2023 | 209 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Odayaasha Dhaqanka Gobolada Sool iyo sanaag ayaa horay waxaa ay magaalada Laas-Caaood kula kulmeen Odayaal ka tegay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo waan waan ka dhex waday Somaliland iyo xoogaga SSCm balse aysan ku guuleysan inay nabad kala dhex-dhigaan.

Like it? Share it!

Leave A Response