Maxaa Ka Jira in Dumarku ay ragga uga adkeysi badanyihiin soonka?

by admin | Thursday, Mar 21, 2024 | 56 views

Saciid iyo Cismaan oo ah labo wiil oo walaalo ah oo ku sugan magaalada Xalab ee Suuriya isla markaana ka shaqeeya dhismaha guryaha, waxay ka shekeynayaan sida ay ugu adkeystaan soonka maadaama ay shaqo culus qabtaan.

Siciid waxa uu yiri: “In kasta oo aan aniga ogyahay in aan ballaariyo maskaxdeyda bisha soon, haddana waxaan noqdaa qof ay ka lunto dabeecadda gaar ahaan xilliga duhurka, oo ma xakameeyo hab-dhaqankayga oo waan ku qayliyo shaqaalaha, Si degdeg ah ayaan uga qoomameynayaa taas, waanan ka raali gelinayaa iyaga, laakiin xaaladdan wax badan ayay igu soo laa-laa laabtay.”

Walaalkii Cismaan waxa uu yiri isna “Gaajo waan u adkaysan karaa maalmaha ugu horreeya, laakiin toddobaad ka dib, waxaan dareemaa harraad aad u daran, taasna waxay igu keentaa madax-xanuun, waxaanan noqday qof aan dulqaad laheyn laakiin ma xakameyn karo dareenkayga.”

Dhanka kale, Maxamed Faayid oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga cuntada iyo nafaqeynta oo ku sugan dalka Marooko ayaa yiri: “Guud ahaan dumarku waxay ragga way kaga awood badan yihiin in ay u adkeystaan ​​soonka, sababtoo ah dufanka ku jira jirka haweeneyda ayaa ka badan tan ku jirta jirka ragga iyo ragga oo ka muruqyo waaweyn dumarka”.

Sida uu qabo Fayed, waxaa jira sababo cilmiyeed oo arrintan ka dambeeya, kuwaas oo ah in ay jiraan hormoonno firfircoon oo ku jira jirka haweenka.

“Hormoonka Estrogen-ku waxa uu ka caawiyaa haweenka in ay gaajada u adkaystaan ​​oo ay niyadda dejistaan ilaa iyo inta suurtogalka ah, taas oo ka caawisa in ay la dagaallamaan shucuurta iyo dareenka walaaca leh halka testosterone ee ragga uu kiciyo dareenka xanaaqa ah, welwelka iyo buuq.”.

Like it? Share it!

Leave A Response