Muuse Biixi:-Deeqaha dibadeed ee la innagu caawiyo waxa lugaha ku dhagan masuuliyiinta Muqdisho!

by admin | Wednesday, Mar 10, 2021 | 349 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Dawladda Faderaalka Soomaaliya lugta hayso in Deeqaha Beesha Caalamka ka yimaadda oo Mashaariic waaweyn looga fuli lahaa gudaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay in waxa Somaliland ka hesho Beesha Caalamku uu yahay gargaar deg-deg ah, haddana deeqahaasi in laga Maalgeliyo Mashaariic Mustaqbalka laga faa’idaysan karo ay carqalad ku tahay Dawladda Soomaaliya

“Deeqaha dibadeed ee la innagu caawiyo waxa ay u badan yihiin Gar-gaarka Deg-degga ah iyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah. Marxaladda siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro,ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaali aysan kala maarmi karin, laakiin ficillada madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay dadka sii kala fogaynayso sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ummadda u sheegaan Soomaali ma kala maaranto iyo walaalayaal waanu idiin baahan nahay, hadday walaalnimadu jirto nin ka walaalkaa karaameeya adigana wuu ku sharfay.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya ka xumaato wixii u soo kordha Somaliland .

“Marka ay Soomaaliya maqasho Somaliland dal baa casuumay, waxa la yaab leh cadaawadda, naca iyo talaaboyinka ay qaadayso ee jar iska xoor ka ah” ayuu hoosta ka xariiqay.

“Markaa Dadka talada u hayaa Soomaaliya, Soomaali inay isku keenaan iskadaayoo, talaabooyinka ay qaadaan waa kuwo aanay Soomaali waligeed isku imanayn”.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkaan sheegay 8 March, 2021, oo uu hor-tagay labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, waxaanu u jeediyey khudbad-sanadeedka 2021-ka, oo uu diirada ku saaray arimaha siyaasadda, dibedda, Dhaqaalaha iyo Arrimo kale oo ay ka mid yihiin Deeqaha Beesha Caalamku siiso Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response