Muxuu qabanayaa Guddiga uu Guddoomiye Aadan Madoobe u xilsaaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka?

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 175 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala-bixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay kasoo talo-bixin doonaan heshiiska xukuumaddu gashay, kadibna baarlamaanka ayay dib ugu soo celin doonaan talo bixintooda, sida lagu shaaciyay warqadda lagu magacaabay xubnahaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka faray in uu xubnaha guddiga ku wargeliyo in ay si deg deg ah ku howl-galaan, kullamadooduna abaabulo una fidiyo dhamaan wixii xil-gudashadooda u fududeynayo.

“Si waafaqsan qodobka 37-aad faqradda 5-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, muddada xilhaynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta guddiga joogtada Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixintooda.”

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Cabdisamad Maxamuud Xasan Faarax
  2. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux
  3. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego)
  4. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed
  5. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad)

Magacaabida guddigaan ayaa imaneysa xilli Gokaha uu isku khilaafsan yahay heshiiskan, oo wax ka bedel loogu sameeyay hanaanka dowladnimada Soomaaliua ay ku dhisnayd iyo midka doorashooyinka dalka.

Heshiiska uu guddigaan kasoo tala-bixinayo oo ah kii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale waxa uu jideynayaa in dalka uu qaadanayo nidaam xisbiyo badan oo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dooranaya shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa waxaa diidmo xooggan uu durba kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, iyo weliba maamulka Puntland oo isagu dibad joog ka ahaa kulamadii lagu gaaray heshiiskan.

Like it? Share it!

Leave A Response