Natiijo horudhac ah oo laga soo saaray Baarista dilkii Carruurta loogu geystay Baydhabo

by admin | Saturday, May 1, 2021 | 349 views

Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa War ka soo saaray baaristii lagu sameeyey kiiska Carruurtii Walaalaha aheyd 7 bishii April ee sanadkan 2021 loogu geystay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulan ay yeesheen laamaha Amniga koonfur Galbeed ayaa Guddigii loo xilsaaray baarista Kiiska waxaa ay soo bandhigeen natiijo horudhac ah, iyaga oo sheegay in falkaas loo haayo 6 ruux, isla markaana hal qof oo kamid ah uu kiiska ku cad yahay.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Baay G/Sare Amiin Maxamed Cusmaan oo kulanka laamaha amaanka ay yeesheen ka dib hadlay ayaa sheegay in baaristooda ay heerar kala duwan soo martay, isaga oo kulanka kusoo bandhigay sida uu u dhacay dilka labada Carruurta ah.

Dhinaca kale G/Sare Amiin Maxamed Cusmaan waxa uu sheegay in Maxkamada ay u gudbiyeen kiiska islamarkaana laga Warsugo xukunka maxkamada ay kasoo saarto dilkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response