Nin ku eedeysan inuu xaday Canug yar oo lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Jun 30, 2023 | 94 views
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ku eedeysan inuu xaday canuga yar.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga degamada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney gacanta kuso dhigeen ninkaan eedeysanaha ah.

Booliiska gobolka Banaadir ee shaaciyay sawirka ninkaan eedeysanaha ah maysan sheegin magaciisa iyo waliba canuga yar ee uu xaday wiil iyo gabar midka uu yahay iyo halka canuga yar ee uu xaday uu ku dambeeyo.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan in uu xaday cunug yar. Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan kadib markii lagu soo wargeliyay kiiskaan, wuxuuna talisku soo bandhigay sawirkiisu” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska Banaadir.

Si kastaba ciidamada Booliiska ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka wadaan qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona inta badan soo bandhiga dad ku eedeysan dambiyo kala duwan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response