Qoor Qoor & Cali Guudlaawe oo Muqdisho ka bilaabay xalinta Shaqaaqooyinkii dhacay

by admin | Sunday, Feb 21, 2021 | 330 views

Madaxweynaha Mamulka Galmudug oo shalay gelinkii dambe soo gaaray muqdisho ayaa xalay Hooygooda uu ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre.
Kulan gaar ah o ay yeesheen mas’uuliyiintan ayaa waxaa uu ahaa mid kuqotomay kala warqaadasho xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo sidii loo maareyn lahaa Marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.

Wararka kulanka laga helay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka dalbaday Madaxweynaashii hore iyo ra’iisul Wasaare hore in xaalada la dejiyo, isla markaana sigaar ah looga wada hadlo shaqaaqooyinkii maalmo ka hor dhacay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheekh Maxamud, iyaga oo yeshay kulan gar ah oo ay uga hadleen arrimo dshowr ah.
Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arimaha Doorshooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay & iyo Dajinta Xaaladaha Cakiran ee dhashay rabshadii dhacay.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in uu bilaabay doorkiisa ku aadan dhex-dhexaadinta xaalada taagan iyo sidii looga gudbi laha, iyada oo ay xusid mudan tahay in Musharixiinta ay maanta ku dhawaaqeen banaanbaxyo kale.
Maalmo ka hor waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shaqaaqooyin salka ku haayay dibadbax nabadeed oo ay doonayeen inay dhigaan xubnaha midowga Musharixiinta, hayeeshee Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen, sidoo kalena uu dhacay weerar lagu qaaday Hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response