Qoysas ay barakiciyeen Duurjoog dalka Mozambique

by admin | Saturday, May 27, 2023 | 221 views

In ka badan 1,000 qoys, ayaa lagu wadaa inay ka barakacaan bartamaha dalka Mozambique, ka dib markii ay weerareen xayawaanka duurjoogta ah.

Madaxa maamulka deegaanka ee degmada Marromeu ee gobolka Sofala, ayaa sheegay in dowladda hoose ay goobo kale u rari doonto 1,500 oo qoys, oo ay halis ku hayaan weerarada xayawaanka Duur Joogta ah.

Henriqueta de Rosário, ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay diiwaan geliyeen dhimashada saddex qof, oo ka dhashay weerarrada xayawaanada duurjoogta ah bilooyinkii ugu horeeyey ee sanadkan.

Lo Duureed la tmid qeybta keynta gaarka ah ee Marromeu ee ku taalla webiga Zambezi delta, ayaa weerar ku qaaday qeybaha la deggan yahay, taasoo ku qasabtay dadka inay u guuraan dhanka webiga.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay gabaad dadka dugsadaan jasiiradaha, ayaa waxay dhanka kala la kulmaan khatarta iyo weerarro kaga imanaya Yaxaaska.

“Colaadda u dhaxaysa dadka iyo duur-joogta waa xaqiiqo sii kordhaysa” ayay tiri Rosário, iyadoo intaas ku dartay in dad badani ay arrintani ku keentay halis.

Waxay sheegtay in ugu yaraan 400 oo qof ay mar hore iska diiwaan galiyeen qorshaha hindisaha dib-u-dejineed, si ay uga guuraan goobahan ay lasoo gudboonaatay khataraha.

Like it? Share it!

Leave A Response