Raysal wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay golaha guud ee Qaramada Midoobay

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 161 views

Ra’isul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York.

Raysal wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirkaan ayaa warbixiyay dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%.

Sidoo kale waxa uu sheegay raysal wasaaruhu in la yareeyay umul-raaca haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, wuxuu sheegay qorsheyaal lagu kobcinayo awoodda dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay.

Like it? Share it!

Leave A Response