Koronto la’aan ka jirta Magaalooyinka Jigjiga & Dhagaxbuur.

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 104 views

Magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur Dowlad-Deegaanka Soomaaliya waxaa ka jirta xaalad koronto la’aan ah oo saameyn taban ku reebtay dadka isticmaalkeedu muhiimka u yahay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan labadaas magaalo.

Maamulka Tamarta Korontada ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa war kasoo saaray Sababta keentay koronto la’aanta ka jirta Magaalooyinka Jigjiga & Dhagaxbuur oo adeegyo badan ay u joogsadeen arrintaas awgeed.

Maamulku waxa uu sheegay in markii la baaray ciladdaas waxa keenay ku ogaadeen in khadka qulqulka korontada gaarsiinayay magaalooyinkaas uu ka go’ay inta u dhaxeysa Jigjiga iyo Harar sida hadalka loo dhigay.

Wakaaladda Korontada ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay xalinta caqabaddaas taagan oo saameyn taban ku reebtay waxyaabaha aan looga maarmin in loo helo koronto iyada oo dalbatay in la dulqaato.

Waxaa xiran Xafiisyo badan oo kamid ah kuwa maamulka Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo shaqo joogta ah u hayay Bulshada sababtaas ka dhalatay koronto la’aanta ka jirta Magaalada xarunta u ah DDS ee Jigjiga.

Like it? Share it!

Leave A Response