Shiinaha oo Taiwan u diray 103 Diyaarad oo kuwa dagaalka ah.

by admin | Tuesday, Sep 19, 2023 | 125 views

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa Hawada Taiwan u dirtay 103 diyaarad oo ah nooca kuwa dagaalka sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Taiwan oo war kasoo saartay arrintaan, waxa ay ka digtay daandaansigaas lagu sameeyay sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Difaaca Taiwan ayaa Shiinaha ku eedeysay in uu ku howlan yahay daandaansiga uu ku raadinayo dagaal toos ah uu ku qaado dhankooda maadaama muddooyinkii dambe ay u bira-tumaneyso sidii ay weerar u qaadi lahayd.

Caga-juglaynta milateri ee joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Shuuciga ahi, waxay si sahlan u horseedi karaan inay gobolkaas ka dhacdo xiisad cusub oo uga sii dari karta amniga gobolkaas” ayay sheegtay Wasaaradd Difaaca ee Taiwan.

Shiinaha ayaa dhowr jeer waxa uu Mareykanka ku eedeeyay in uu ku xad-gudbayo dhulkiisa iyo madaxbannaanidiisa, si uu uga hortago daan-daansigaas waxa ay Xukuumadda Beijing kordhisay culeyska ciidan ay saartay dhanka Taiwan.

Like it? Share it!

Leave A Response