Somaliland : Laba caruura oo ku nafwaayay gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco

by admin | Monday, Sep 18, 2023 | 112 views

2 caruura oo da’adoodu u dhaxayso 10 jir iyo 12 jir ayaa ku geeriyooday gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco shalay galabtii.

Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo ah aabbaha dhalay carruurta ayaa BBC-da uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheeegay in xili guriga laga maqnaa ay gabadh kamid ah caruurtu guriga dab qabadsiisay.

“Anuu waan ka shaqo tagay abaaro 2:00 PM markii ay seexdeen uun bay hooyadoodna xaafad edadeed leedahay u yar wareegtay, caruurtu 5 ayay haayeen, waxay yidhaahdeen inanta dhimatay ayaa leetar ku qabatay barkinta” ayuu yidhi Aabbo Jaamac.

Jaamac waxa uu sheegay in labada caruura ee geeriyooday ay awoodi waayeen in ay naftooda la baxsadaan markii uu dabku qarxay isla markaana ay ahaayeen naafo.

“Labada caruura ee geeriyooday marka horeba naafo ayay ahaayeen oo may socon karayn, inanku 10 jir ayuu ahaa inantuna 12 jir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aabbo Jaamac.

Waxa uu sheegay in jaarku ay kusoo gurmadeen markii uu dabku qarxay, lakiin la damin kari waayay, oo uu burburay dhamaan gurigii, sidaa darteedna lasoo saari kari waayay caruurta naafada ah ee geeriyootay.

Like it? Share it!

Leave A Response