Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo kulamo lasoo yeelanaya Golaha Senate-ka Kenya

by admin | Monday, Sep 18, 2023 | 87 views

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan dalka Kenya Golaha Senate-ka.

Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka,  guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response