Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waaxda Difaaca Mareykanka ma aqbali doontaa in Trump uu Soomaaliya ka saaro Askarta ka joogta?{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Nov 4, 2020 | 431 views

Maqaal uu daabacay Teleefishinka Turkish State International (TRT) waxa uu uga hadlay qorshaha isbadalka Donald Trump haddii ay dhacdo in uu markale hoggaamiyo Mareykanka 4-sano oo kale.

Teleefishinka oo daba-socda hadalkii Trump 13-kii Oktoobar 2020 uu ku sheegay in uu la baxayo Askarta Soomaaliya ka joogta oo tiro ahaan u dhaxeysa 650 ilaa 800 oo dhamaan ah Caawiyaal la shaqeeya Askarta Dowladda Federaalka & AMISOM ayaa dabagal ku sameeyay suurtagalnimada fulinta go’aankaas.

Trump ayaa Waaxda difaaca Mareykanka u gudbiyay rabitaankiisa la xiriira in uu Soomaaliya ka saaro Askarta ka joogta oo muddada uu xafiiska joogay fulisay weeraro uu amray, halka iyanna weeraro kala kulmeen Al-Shabaab.

Maanka ayuu ku hayaa Askarta ku sugan Sooamaliya sida saraakiisha Midowga Yurub, Ingiriiska oo DG Koofur Galbeed gacan ka siiya dhanka Amniga, Turkiga oo Xero ciidan ka furtay caasimadda & Midowga Afrika oo Qaramada Midoobay dhaqaale uga qaata howlgalka AMISOM.

Qubaro ciidan oo uu wareystay Teleefishinka ayaa suurtagalnimada bixitaanka Ciidamada Mareykanka u tusaale qaatay habkii Ciidamada Ameerikaanka looga saaray Dalalka Afgaanista & Ciraaq oo waqti, naf & maalba geliyay.

Laga soo bilaabo 20-kii Janaayo 2017-kii oo ah waqtigii uu saldhigtay Madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka Donald Trump ilaa 9-kii September 2020 oo ah waqitgii ugu dambeeyay uu weerar ka fuliyo Soomaaliya ah waxa uu ka geystay duqeymo dhowr ah.

Image

Marka la barbar-dhigo weerarada uu amray madaxweynihii 44-aad ee Barack Obama, waxaa ka weerar badan Trump oo sanadkaan oo kaliya fuliyay 46-duqeyn oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, Daacish & duqeynta qaar oo Shacab waxyeelo u geysatay.

“Al-Shabaab weli waa shabakad qatar ah oo u baahan cadaadis caalami ah oo la saaro hoggaankeeda, dagaalyahannadeeda, ilaha dhaqaalaha & qorshe waliba oo lagu burburin karo” Sidaasi waxaa yiri sarkaalka Mareykanka u qaabilsan Afrika oo fariin u diray Teleefishinka TRT.

Maqaalka waxaa sidoo kale ku xusan dhaq-dhaqaaqyadii Al-Shabaab ay sameysay maalmihii tagay, waxaana kamid ah weeraro lagu qaaday Ciidamada Xoogga Dalka ee la shaqeeya Mareykanka, kuwaas oo lagu weeraray Saldhigga Ballidoogle, Afgooye, meelo kale, halka Weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Xerada Manda Bay ee Dalka Kenya.

Waaxda difaaca Mareykanka oo xog ogaal u ah halista Al-Shabaab & howlgalada askartooda joogta Soomaaliya, ma sahlanaya in ay aqbalaan go’aanka Trump ee ah ka saaritaanka Soomaaliya sida ay ku doodeen saraakiil, qubaro ciidan & dad xog ogaal u ah Xaaladda Dalka oo dibadda & dalka ku kala sugan.

Like it? Share it!

Leave A Response