Waqtiga la dhageysanayo Dacwadda kiiska Caaisho Ilyaas oo la shaaciyay

by admin | Monday, Jul 22, 2019 | 708 views

Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ku dhawaaqday waqtiga la dhageysanyo dacwada Saddex Nin oo loo heysto falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Bishii Febaraayo ee Sanadkaan Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 13 Jir ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay  kusimaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed ayaa lagu sheegay in la qaadi doono dacwada Ragga loo heysto falka kufsiga iyo dilka ah  17/8/2019  oo ku beegan Maalin Sabti ah.

Ragga saddexda ah ee loo heysto kufsiga iyo dilka Caaisho Ilyaas oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa horay waxa xukun dil ah ugu riday Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal, iyada oo ay ku raacday Maxkamada Racfaanka.

Xukunkaas dilka ah ayaa eedeysanayaasha ay racfaan markale ka qaateen,waxaana Sabtida soo socota la sugayaa Go’aanka ugu dambeeya oo ay leedahay Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Hoos Ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Like it? Share it!

Leave A Response