wasarada tamarta biyha dowlada soomliya oo ka shaneysa tan hirshabelle oo bilaabay biyo dhaamin socondoonta mudo 30 maalmood {sawiro}

by admin | Tuesday, Sep 29, 2020 | 418 views

Dadka ka barakacay fatahaada wabiga shabeele e kunool deegaanka ceeljale ee duledka magaalada baladweyne ayaa waxaay lakulmeen xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana kamid ah hooy iyo biyo la’aan. wasarada tamarta biyaha dowlada soomaliya iyo tan hirsbabeel oo iska shana ayaa bilabay biyo dhaamin socondoonta mudo 30 maalmood loonama sameynayo 4.000 oo qoys ay saameysay fatahaada wabiga shababeele uu ka geystay magaalada baladweyne . Biyaha ayaa laga keenaa deegaanka Ceelgaal oo 13km dhanka waqooyi ka xiga Beledweyne,

qaar ka mid ah dadka biyo dhaminta loo sameyayay ayaa u mahadceliyay wasarada tamarta biyaha dowlada soomaliya iyo tan hirsbabeel waxaana ay uu baaq u direen hay’adaha kale ee ka howlgala magaalada baladweyne inaay ka qeyb-qaataan sidii wax lagu qabanlahaa dadka kunool deeganka ceeljaale ee duledka magalada baladweyne..

ugu danbeyn waxaa ka hadlay isu duwaha wasaarada tamarta biyaha maamulka hirshabeele ee gobolka hiiraan cawil maxamed jibriil waxaana uu sheeg ay inaay sii socon doonaan biyaha lasiinaayo shacabka dhibaateeysan deeganka ceeljaale,

Dadkan ka barakacay biyaha wabiga Shabeelle ayaa waxaay lakulmeen biyo la’aan, waana kaalmadii ugu horeeysay ee aay helaan dadka barakacay.

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan
baladweyne.soomaliya

 

Like it? Share it!

Leave A Response