Wasiir Fiqi “Meel waliba oo aan joogna waxa aan rabnaa in aan maalgashanno Nabadda & Xasiloonida”

by admin | Thursday, Apr 6, 2023 | 274 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo Muqdisho ku martigeliyay madal afurin nabadeed ah iyo gogol daahfur u aheyd dib u heshiisiinta beelaha Wadataal ee Sacad iyo Wagardhac.

Khudbad kooban uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu sheegay in kulankan ay wasaaraddu qabatay kadib codsi uga yimid labada beel isaga oo yiri “Kulankan waxaa isla leh, oo uu ahaa codsi odeyaal labada beelood ee Wagardhac iyo Sacad, waxa looga hadlayo iyaga ayaan u deyneynaa, inanga gogosha ayaan laheyn”.

“Ujeedka kulanka waa in ay jirto colaad muddo dheer oo 40 sano jirsatay oo dhexdooda taalay, oo aan weli dammin, xilli beelaha kale ay wax badan dhameeyeen, kulankan waa mid horudhac ah” ayuu intaa raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay in colaadda ay ka jirto magaalada u uku dhashay  ayaa yiri “Colaadda waxa ay ka jirtaa Galinsoor oo ah goobtii aan ku dhashay, in aan qeyb weyn ka cayaaro waajib ayey igu tahay, waa wax laga heshiin karo, waayo wixii Soomaali dhexmaray ayaa dhexmaray.”

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Madaxda Dowladda oo khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in Colaadda xilligaan loo baahneyn, iyaga oo kula dardaarmay Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda.

Like it? Share it!

Leave A Response