Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ku baaqay in la dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Sunday, Mar 12, 2023 | 203 views

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame Xusul oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS ayaa ku baaqay in garab istaag xooggan loo sameeyo Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda si ‘AS’ looga qabsado deegaannada ay maamulaan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa tilmaamay in Macawiisleydu ay ku dhiirratay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyaga oo aanay heysan garab istaag dhab ah ay billaabeen dagaallada ugu dambeyn laga gaaray guulaha muuqda.

Xusul waxa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada looga baahan yahay in ay dhiirrageliyaan dhalinyaradaan oo intooda badan ah Xoolo dhaqato hubka u qaatay sidii ‘AS’ ay uga saari lahaayeen deegaannadooda.

“Bulshada Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in marka hore ay Dowladda taageerayaan iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah, kii inta tago ee dagaalkaas ka qaybgeli kara ama hub siin kara waa in aan ka faaiideysanaa fursadda ah cadawga sii jabaya in aan baabi’ino, haddii kale waxaa dhici karta sidii Afgaanistaan oo inta nalaga kala tago” Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul.

Macawiisleyda ka aasaasantay Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug waxa ay la howlgaleen Ciidamada Federaalka & Daraawiishta waxaana u suuragashay in ay qabsadaan Magaalooyin muddo dheer ‘AS’ maamulayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response