Xukuumadda degaanka Soomaalida oo digniin u dirtay dad ay ku sheegtay inay ku howlan yihiin isku dhufashada bulshada wada degta degaanka Soomaalida

by admin | Friday, Jun 30, 2023 | 90 views

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa digniin kama dambays ah u dirtay dad ay ku sheegtay inay faafiyaan erayo abuuri kara nacayb iyo xasilooni darro, isla markaana xadgudub ku ah Dastuurka dalka Itoobiya iyo kan degaanka Soomaalida.

Haddaba Xafiiska Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa war uu kasoo saaray arrinkaas waxa uu sheegay in waayadan dambe ay degaanka kusoo kordheen Ururo iyo Shakhsiyaad ku kaca ficillo ka dhan ah dastuurka u yaal Itoobiya iyo kan degaanka Soomaalida, kuwaas oo uu Xafiiska Nabadgalyadu ku sheegay inay baraha bulshada ka sameeyaan abaabullo iyo erayo ka dhan ah Nabadgalyada degaanka iyo wada noolaanshaha dadka degaanka dega.

Dowladdu waxa kale oo ay sheegtay in dadka baraha bulshada ku fidinaya erayada nacaybka abuuraya ama dadka isku dhufanaya ay ku kala nool yihiin gudaha Itoobiya iyo meelo ka baxsan dalka Itoobiya, xaaladoodana dowladdu lasocoto, isla markaana wakhti dhow lala xisaabtami doono, waa siday hadalka u dhigtay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu.

Dhinaca kale Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa digniin kama dambays ah u dirtay cid kasta oo ku jirta falal lid ku ah xasiloonidda degaanka ka jirta, qaybna ka qaadata isku dhaca bulshada kuwada nool degaanka Soomaalida.

Ugu danbayn, dowladdu waxay sheegtay in wakhtiga ugu haboon bulshada la wadaagi doonto Shakhsiyaadka ku howlan waxa ay ku tilmaantay isku dirka bulshada, oo ay sheegtay inay caddaymo buuxda u hayso dadkaas wakhti dhowna ay la xisaabtamayso, waa siday hadalka u dhigtay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Ma aha markii u horreysay ee dowladdu digniin u dirto dad ay ku sheegtay inay ku mashquulsan yihiin isku dirka bulshada iyo wixii lamid ah, horey marar kala duwan ayay sidan oo kale xukuumaddu digniin ugu dirtay dadkaas, balse markan waxay digniinteeda raacisay inay bulshada la wadaagayso xogta shakhsiyaadkaas iyo caddaymahooda, si bulshadu ay u ogaato dadkaas iyo waxa ay dowladdu ku eedaynayso.

Like it? Share it!

Leave A Response