12-Ka April 60-Guuradii kasoo wareegtay Aas’Aaska Ciidanka xoogga dalka

by admin | Sunday, Apr 12, 2020 | 478 views

Maanta oo ay ku beegan 12-ka Bisha April waxaa ay ku asteysan tahay 60-guuradii kasoo wareegtay maalimtii la Aas’aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,in kastoo maanta dalka aysan ka jirin wax dabaaldeg ah.

Xilligaan oo kale ayaa meelo badan oo kamid ah ayaa waxaa lagu qaban jirey munaasabado loogu dabaal-degayo Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka,hayeeshee sanadkaan aan la qabaneyn sababo la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo u direy Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,isaga oo sheegay in aysan jiri doonin munaasabado loogu dabaal degayo Maalinta Ciidanka xoogga dalka.

“Annagoo ka fikireyno waxyeelada Cudurkaan safmarka ah ee COVID19, Waxaan joojinnay bandhiggii sanad guurada ee Ciidanka si aan u ilaalinno badqabka ciidanka iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxan doonayaa in aan baaq u diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, walaalayaal waxan u Taagannahay difaaca Dalka, Dadka, Diinta iyo ilaalinta sharafka muwaadin kasta ee Soomaaliyeed, waxan idinka dooneyna in aad la shaqeysaan Ciidanka, si aan u gaarno guulo wax ku ool ah una soo celino sharafkii iyo karaamadii Umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga XFS Xildhibaan Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa Ciidamada Xooga Dalka Xaasaskooda iyo Caruurtooda ugu hambalyeeyay Maalinka Ciidanka Xooga Dalka ee 12 April.
Dhinaca kale Ciidamada ayuu kula dardaarmay iney Kataxadaraan Cudurkan dilaaga ah ee Covid19 si ciidanka ay uga badbaadaan halista Cudurka.

Like it? Share it!

Leave A Response