Madaxda Hir-Shabeelle oo ka hadley geerida Wasiiru dowlihii Cadaaladda

by admin | Sunday, Apr 12, 2020 | 523 views

Magaalada muqdisho waxaa Maanta Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey gaar ahaan isbitaalka Martiini Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-Shabeelle sidoo kalena ahaa Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow,waxaana ka tacsiyadeeyey mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-Shabeelle Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow,isla markaana uu sheegay in uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo aanay marna ilaabi doonin kaalintiisa uu ku lahaa baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Dhinaca Guddoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabeelle Sheekh Osman Barre Mohamed isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Khaliif Mumin Toxow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo Maanta ku Geeriyoday Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Khaliif waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Maamulka Hir-Shabeelle iyo Siyaasiyiin ayaa ka atcsiyadeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-Shabeelle sidoo kalena ahaa Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow.

Like it? Share it!

Leave A Response