Madaxweynaha HirShabelle oo xaqiijiyey inuu karantiil ku jiro muddo toddobaad ah

by admin | Monday, Apr 13, 2020 | 442 views

Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.”

Mas’uuliyiintan ayaa dhamaantood la kulmay wasiiru-dowlihii cadaaladda HirShabelle Khaliif Muumin oo shalay Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 kadib markii dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah.

“Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Guddoomiyaha ayaa mar si toos ah wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.”

Like it? Share it!

Leave A Response