Qaar kamid ah Xafiisyada ONLF ee dowlad deegaanka Soomaalida oo la xiray

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 336 views

Inta ugu badan Xafiisyada Ururka ONLF uu ku leeyahay dowlad degaanka Soomaalida ayaa la xiray , iyada oo tallaabadaas ay wax laga xumaado ku tilmaameen mas’uuliyinta sar sare ee Ururka ONLF.
Xafiisyada la xiray ayaa waxaa ay ku yaallaan in ka badan 10 tuulo oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka socday ol olo ballaaran kadib markii Ururka ONLF loo diiwaangeliyay in uu kamid yahay Xisbiyada kajira Itoobiya.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay tallaabada lagu xiray Xafiisyada Ururka uu ku leeyahay tuuloyin dhowr ah oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.
Afhayeenka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in qorshaha lagu xiray Xarumaha ay ka dambeeyaan Xubno ka tirsan Ururka oo uu sheegay inay uga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin dowladda.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in iayaga qorshahoodii dagaal ee gobanimo doonka ahaa ay u bedeleen qalin, isla markaana aysan u hakan doonin xafiisyo la xiro iyo cadaadis la saaro Madaxda Ururka.
Ururuka ONLF ayaa dagaal adag la gashay dowladda Itoobiya, balse ay heshiis la gashay xukuumadda Ra’iisul Wasaare abiy Axmed taas oo keentay inay Xafiisyo ka furtay dowlad degaanka Soomaalida, sidoo kale Madaxdooda ay si caadi ah ugu noolaadaan Gobolada kale ee Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response