Duqa Muqdisho oo xarig jaray xarunta dhaxe ee waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar

by admin | Thursday, Aug 24, 2023 | 80 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray xarunta dhaxe ee waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar oo dib u habeen lagu sameeyay, iyada oo lagu soo kor dhiyay agabya casri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed u  fududeynayo helida adeegyada ay u baahan yihiin, iyada oo xarigjarkan uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Xaruntan ayaa kamid ah goobaha ugu mashquulka badan oo ay dowladda hoose ee Xamar ugu qidmeyso bulshada Caasimadda waxaana si maalin la ah u yimaada in ka badan kun qof, kuwaas oo ka kala yimaada degmooyinka Muqdisho.

Aggaasimaha waaxda dad dhigista Cabdirashiid Waddaadyare ayaa sheegay in muda kooban ay ku fuliyeen mashaariic waxtar leh oo ay kamid tahay dib udhiska xaruntan iyo in degmooyinka loo daadajiyay adeega warqadaha Dhalashada iyo Sugnaanta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay aggaasinka iyo howl wadeenada waaxda Dad-dhigista sida u hufnaanta leh oo ay dardargaliyeen horumarinta waaxdani.

Like it? Share it!

Leave A Response