Xil. CCW “Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci darri ah.

by admin | Thursday, Oct 26, 2023 | 112 views

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ayaan daro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay qoraal uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhan ah musharraxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Xaajo oo u sharaxan xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka.

Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka waxa ay cod midaysan ku taageereen in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka.

Mawra oo tartanka kula jirta saddex haween ah kuwaasboo ka kala socday dalalka Malawi, Tanzania iyo Senegal ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe u diray Baarlamaanka adduunka, kaas oo uu ku sheegayo in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartankii.

“Xildhibaan Marwo oo tartanka weli ku sii jirta ayaa ii sheegtay in uu filan waa ku noqday qoraalka uu Sheekh Aadan Madoobe kaligii magaca Golaha Shacabka ku soo saaray,” sida uu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Warsame ayaa warqadda uu soo saaray Aadan Madoobe ku tilmaamay mid sharci darro ah, “Qoraalka uu guddomiye Aadan Madoobe soo saaray waa mid sharci dari ah, sababtoo ah go’aan labo aqal ayaa lagu taageeray Xildhibaan Marwo, waa mid aan looga run sheegin in ay ka tanaasushay tartanka waa mid dhaawac ku ah qaranka Soomaaliyeed, hanjibayana qof kasta oo doonaya in uu magaca qaran ku tartamo.”

“Haddii ay xildhibaan Marwo tartankaas ka libin keeni waysana, waxaa u sabab ah Guddoomiye Aadan Madoobe iyo intii kale oo shirka kula ah. Golaha Shacabka waa in uu ka waynaada qof go’aankii,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

September 13, 2023-ka kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay taageero u muujiyeen Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaadey xilligaas in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad Marwa oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ma cadda xilligaan waxa ku soo beegay diidmada Aadan Madoobe ee ku aadan in Xildhibaan Marwa ay ka hartay tartanka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Like it? Share it!

Leave A Response