Maxkamadda ciidamada oo lasoo taagay guddoomiye laameedyo ku eedeysan inay basaas u ahaayeen Shabaab

by admin | Sunday, Nov 5, 2023 | 107 views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay 11 xubnood oo u badan guddoomiye laameedyo katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ku eedeysan inay kooxda Shabaab xiriir la lahaayeen.

Guddoomiyayashan  oo isugu jira rag dumar, ayaa xeer ilaalinta maxkamaddu waxay kusoo eedeysay inay qeyb ka ahaayeen shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo gudbin jiray xogaha la xiriira dilalka iyo qaraxyada Muqdisho.

Guddoomiye Laameedyada ayay xeer ilaalintu sheegtay inay qaar kamid ah qirteen in ay ku lug lahaayeen in ay Shabaab kala shaqeeyeen dilalka saraakiil dowladda katirsan iyo qaraxyo uu kamid yahay Qaraxii Soobe two.

Xeer ilaalinta waxay kaloo sheegtay in shabakadan ay xafiis ku lahaayeen suuqa bakaaraha, halkaas oo lagasoo qabtay qof eedeysane ah oo kombuutarkiisa laga helay magacyada afgarashada u ah guddoomiyayaasha iyo shakhsiyaad kale oo hay’adaha amnigu ay raadinayaan.

Dhinaca kale, Qareenada difaacaya eedeysanayaasha ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin dambiyada lagusoo oogay.

Waxay sheegeen maxkamaddu in aanay hayn caddeymo iyo marqaatiyayaal maxkamadda la horkeenay, kuwaas oo caddeynaya dambiyada lagusoo eedeeyay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan kasoo saari doonto xukunka eedeysanayaasha.

Like it? Share it!

Leave A Response