by admin | Sunday, Feb 11, 2024 | 50 views

Dad isku qoys ah ayaa dhimasho iyo dhaawac waxaa kasoo gaaray Hoobiye ku dhacay Gurigooda oo ku yaalla Magaalada Camaara Koofurta Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka.

Xalay saq dhexe ayaa tiro Hoobiye ah waxaa lagu tuuray Magaalada Camaara waxaa mid kamid ah uu ku dhacay Guriga qoyska dhibaatada soo gaartay oo la sheegay in ay dhinteen Aabaha & Hooyada Reerkaas Hoobiyaha uu ku dhacay.

Xubno kale oo qoyska katirsan ayaa dhaawac soo gaaray waxaa loo qaaday mid kamid ah goobaha caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada ka dhashay firirka Hoobiyaha, xaaladdooda ayaa la xaqiijiyay in ay kasoo hagaagayso sidii hore.

Dadka Magaalada Camaara ayaa hurdada kasoo salalay kaddib markii ay maqleen jug xooggan oo ah Hoobiyaha ku dhacay xaafado kamid ah Magaaladaas, ciidamada Federaalka, Daraawiishta Galmudug & Dadka deegaanka ayaa ku dhaqaaqay howlgallo xooggan.

Maamulka Gobolka Mudug & Laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug weli ma bixin faah-faahin la xiriirta hoobiyaha waxyeellada u gaystay qoyskaan waxaana aad loo hadal haya dhibaatadaan taabatay qoyskaan oo Hooyadii & Aabaha reerka ka geeriyoodeen.

Like it? Share it!

Leave A Response