Madasha Xisbiyadda Qaran oo diiday xilka qaadista Kheyre{AKHRISO}

by admin | Saturday, Jul 25, 2020 | 459 views

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa guud ahaan iska diiday qorshaha baarlamaanka Soomaaliya uu maanta xilka kaga qaaday Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa.

Madasha ayaa ku tilmaamay qorshahaasi mid lagu carqaladeynaayo hanaanka doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu sameynayo Muddo kororsi.

Waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeysay in uu hormuud ka ahaa khalaasaha Siyaasadeed ee dalku wajahay.

Like it? Share it!

Leave A Response