Kuuriyada Waqooyi oo si deg deg ah u hakineysa tijaabaada nukleyrka

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 963 views

Xukuumadda Kuuriyada waqooyi ayaa shaacisay inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.

Madaxweynaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong-Un ayaa waxaa kale oo uu xusay in aysan muhiim aheyn tijaabo kale oo dheeraad ah.

Xukuumadda Seoul ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in arrintani ay jawi wanaaagsan u horseedi doonto wadahadalada labada dal dhexmari doona, hasayeeshe dowladda Japan ayaa sheegtay in iyadoo tani ay jirto, hadana cadaadiska marnaba aanan laga dabcinin dalkaasi.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadani ay qaaday xukuumadda Pyongyang ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, loogana dan leeyahay baabi’inta hubka Nukleyrka ee gacanka Kuuriya.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale kusoo warantay in hakinta barnaamijkeeda nukleyrka looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha ee dalkaasi iyo baabi’inta barnaamijka Nikleyrka.

Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ay qaaday xukuumadda Pyongyang.

Like it? Share it!

Leave A Response