Xog Xasaasi ah:Waa Kuma Teliyaha Cusub ee NISA loo magacaabi rabo

by admin | Wednesday, Oct 28, 2020 | 395 views

Teliyaha NISA ayaa lasheegey in uu doonayo in uu kamid noqdo Mudanayaasha Baarlamaaka 11aad ee Federalka Soomaaliya si uu ugu tartamo Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka.

Teliyaha NISA Fahad yaasiin Xaaji Daahir ayaa
lasheegey in uu doonayo in uu u dhiibo Teliyaha NISA nin lasheegey in uu yahay Gacantiisa midig kaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Dheere.

Waa kuma Cabdullahi Dheere?

Cabdullahi Daahir waa Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta NISA waana nin qabta shaqada ugu badan ee kadhex socota Hay’ada NISA.

Wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa kilinka 5aad ee Soomaalidu Degto.

waxey Qaraabo dhow Yihiin Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, hooyadiisu waxey kasoo jeeda Hargeysa waxaana Abti u ah Hogaamiyihii Hore ee Alshabaab Axmed Godane.

waxbarashadiisa?

sargaalkan ayaa lasheegey in uu heesto heerka 1aad ee jaamacada, waxaana Jira koorsooyin kala duwan oo uu kasameeyey takhasus laxiriira arimaha Sirdoonka.

Waa qofmaa Shaqsiyadiisa?

Dadka yaqaana ayaa sheegaya in uu yahay qof furfuran, Runta ka gaban, gacan furan, isla markaana ballamada kuwanaagsan, hase ahaatee  waxaa lagu dhaliilaa in ay adagtahay marka horaba in uu balan kula galo.

Shaqooyinka uu soo qabtey?

Sarkaalkan  ayaa kamid ahaa saraakiil dhalinyaro ah oo loo tababarey Dabagalka Amiirada kooxda Alshabaab, waxaana loo magacaabey Maktabka lasocdka Dhaqdhaqaaqa Umarada Alshabaab intii u dhaxeysey 2012 ilaa 2014 waxaana Jagadaas umagacaabey Hogaamihii Alshabaab Axmed Godone oo Abti u ah Sargaalkan.

intuu xafiiska Joogey ayaa lasheegey in fuliyey dilal kala duwan kuwaaas oo uu labeegsadey Amiiro katirsana Alshabaab iyo shacab soomaaliyeed aan waxba galabsan.

Dilal iyo shirqoolo badan oo uu maleegey Sargaalkan oo gudaha Shabaab loogu yaqaano Shaamil ayaa horseedey in ay baxsadaan horjoogayaal sare oo katirsanaa Alshabaab kadib markii ay naftooda ugu baqeen.

Horjoogahan oo fadhiisan u aheyd Degmada Bu’aale Gobolka Jubada dhexe ayaa lagu eedeeyey in uu laayey dad shacabka ah oo soomaaliyeed kuwaas oo aan waxba galab san.

warar aan helney ayaa sheegaya in maxkamada Hage loo gudbiyey dacwad kadhan ah Sarkaalkan oo lasheegey in uu diley boqolaal ruux oo shacab ah.

horaantii 2015 ayaa lasheegey Cabdullahi Dheere in uu kasoo baxsadey Alshabaab kabid markii lagu tuhumey in  uu diley 14 Amiir oo qaarkood si weyn loo doon doonayey wuxuuna ubaxsadey dalka Qadar isagoo durba dhalasho ka heley dalkaasi.

Sidee isku Barteen Fahad yaasiin iyo Cabdullahi Dheere?

Horjoogahan ayaa durba lashaqa bilaabey sirdoonka Qadar waxeyna halkaasi isku barteed Fahad Yaasiin oo isna si dhow ula shaqeynayay dowlada Qadar.

wixii kadanbeeyey doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaa fahad yaasiin lateliye gaar ah u ahaa 30 jirkan sida weyn warkiisa u dhegeysato Dowlada Qadar waxeyna noqodeen saaxiibo ay adagtahay in lakala dhex galo.

Teliyaha Hogaanka Dabagalka ayaa loo magacaabey Cabdullahi Dheere kadib markii madaxweyne Farmaajo loo soo jeediyey in amniga Caasimada wax laga bedelo mucaaradkana laxamkameeyo maadama ay doorashada soo dhowaatey.

markii loo magacaabey  sarkaalkan Teliyaha Hogaanka Dabagalka ayaa lasheegey in uu durbo xiriiro lasmeeyey Kooxda Alshabaab uu katirsanaa saaxiibo muhiim ahna kulahaa isagoona wadahadalo hoose la galey.

Todobaadkii lasoo dhaafey ayaa lasheegey in uu heshiis hoose la gaarey sarkaalkan kooxda Alshabaab isagoona kadalbadey in qaraxyada muqdisho joojiyaan inta doorashada socodoto balse ufududeyn doono hadii ay u baahdaan mucaaradka dowlada.

Dhinaca  kale siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walwal soo food saarey wixii kadanbeeyey magacaabista Teliyahan kadib markii ay lakulmeen hanjabaadyo toosa ah iyo dhegeysiga codod sir ahaa ay isku weedaarsadeen telefanoodada wuxuuna si cad ugu sheegaa in uu dili doono cida ka hortimaada aragtida Dowlada Farmaajo.

Sarkaalan ayaa lasheegey in uu ku lug lahaa khaarijinta Madax qiimo badan kulahaa umada soomaaliyeed oo ay kamid tahay Xildhibaan Saado Cali warsame dil naxdin leh loogu gaystey muqdisho waxaana jira qorshayaal badan oo uu fududeeyey Horjoogahan.

Sarkaalkan ayaa awood buuxda loo siiyey in uu hubiyo liiska Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka inta uu doonana kabedelo arintaa oo lafahamsanyahay in ergada macaluumaadkooda buuxa doonayo in uu helo si uu u qalqal geliyo cida loo arko in ay codkeeda siineyso musharax aan aheyn midka dowlada.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Teliyahan uu wado shirqoolo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka sida weyn ugu soo horjeeda MD Farmaajo.

Sarkaalkan ayaa lafaham sanyahay in uu  MD Farmaajo Ku qanciyey in la qaado dhagaxaanta wadooyinka Muqdisho labo arimood dartood:-

1. In shacabka taageerdooda lagu kasbado.

2. iyo in Siyaasiyiinta mucaaradka ah amnigooda Qatar lageliyo.

sarkaalkan ayaa laga soo xigtey in hadii jidadka lafuro laga adeegan doono siyaasiyiinta waxaa ugu yeerey qaran dumiska ah iyo kuwa amniga Dowlada qatarta ku ah oo ay kamid yihiin Xasan daahir aweys, Muqtaar Roobow iyo Teliyhii hore ee NISA sanboloolshe.

xogtu waxey intaa ku dareysaa in siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Xasan qrishaha labaatld kuniraan.

Yaa gadaal kariixaya sargaalkan?

Fahad yaasiin iyo Dowlada Qadar ayaa lasheegey in ay wadaan Qorshe Teliyaha NISA loogu magacaabayo sarkaalkan marka uu booska Baneeyo Fahad Yaasiin oo musharax Xildhibaan ah.

Ujeedada   Qadar ay ka leedahay magacaabista sargaalkan  ayaa loo maleynayaa  in doorashada Soomaaliya ay Awood u isticmaasho si ay usoo saarto markale MD Farmaajo oo aad ugu dhega nugul Qadar.
Horjoogahan  ayaa loo badinayaa in uu qabto jagada ugu sareysa Sirdoonka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response